Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Reer Puntland oo laga sifaynayo hay’adaha Dawladda Federaalka”.
    Somalia

    Reer Puntland oo laga sifaynayo hay’adaha Dawladda Federaalka”.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2019Updated:April 15, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo Febr. 8, 2017 waxaa si xoogleh usoo if-baxday in dadka reer Puntland ee ka shaqeeya Hay’adaha Dawladda Federaalka ah si gaar ah loo beegsado.

    Mudadaas kooban ee Dawladdu jirtey waxaa xilalkoodii waayey tiro badan oo reer Puntland ah oo isugu jira diplomaasiyiin, saraakiil sare oo rayad ah, siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ciidan.

    Arrintan ayaa lagu tilmaamay sifayntii labaad oo si gaar ah loogu beegsado dadka kasoo jeeda Gobolada Puntland tan iyo dhamaadkii 70-aadkii iyo bilowgii 80-aadkii xilligaas oo Dawladdii kacaanku arrimo siyaasadeed awgeed u faquuqday deegaanada Puntland oo ay ku tilmaantay “kacaandiid”, taas oo markii danbe horseeday burbur iyo qalalaase aan weli Soomaaliya kasoo kaban.

    Hadaba magacyada dadka la eryey Illaa intii Farmaajo la doortay waxay kala yihiin:-.

    1. Wasiir Juxa oo ahaa Wasiir aaminsan in waddanku federaal yahay awooddana la qaybsado, inkasta oo lagu badelay Awad oo ka soo jeeda Puntland.
    2. Bashiir Isse Gudoomiyihii Bangiga dhexe oo lagu badelay mudane ka soo jeeda Somailand oo aan la marsiin tartankii ay dawladdu qorshaysay in la maro.
    3. Jamaal Mohamed Hassan safiirkii Nairobi u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday booskiina lagu badelay Tarsan oo ka soo jeedda gobolka Banaadir.
    4. Ahmed Isse Awad safiirkii Washington u fadhiyey Soomaaliya oo Wasiir noqday welina aan la buuxin laakiin aan xogta ku hayno in loo wado mudane ka soo jeeda Somaliland.
    5. Safiir Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari Ilaahay ha u naxariisto oo qarax lagu dilay magaalada Xamar Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Geneva , waxaa lagu badelay Gabar ka soo jeedda gobolada dhexe.
    6. Ahmed Dayib Nor Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Maaliyadda.
    7. Mohamed Keynaan Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Raysul Wasaaraha.
    8. Sonkor Geyre Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
    9. Mohamed Abdiwahaab Agaasimihii Guud ee Arrimaha Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
    10. Ahmed Abdullahi shiikh Taliyihii Ciidanka Danab,inkastoo lagu badalay masuul kale oo reer Pl ah,balse aan aaminsanayn Fadaraalisamka.
    11. Abdirizaaq Xidig Agaasimihii Guud ee Haya’dda Cimilada Soomaaliya (Environment)
    12. Amiin Xaaji Kheyr ku-xigeen-kii Haya’dda Nabad Sugidda.
    13. Osman Yusuf Agaasime ku-xigeenkii Haya’dda Duulista Hawada.
    14. Ahmed Farah Yare Agaasimihii Policy Delivery-ga ee Xafiiska Raysul Wasaaraha.
    15. Hassan Qacle Xoghayihii koobaad ee Safaarada Somali Somalida Ankara, Turkey.

    16.Ina Faarax Walanteeri Agaasime Waaxeedkii Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka.

    Haddaba su’aashu waxay tahay maxay galabsadeen reer Puntland oo gaar ku ah?.

    Ma shabaddii qaran-dumiska iyo kacaan-diidka ayaa markale lagu dhuftay?.

    Maxaa la gudboon reer Puntland oo xoogoodii, xoolahoodii iyo waqtigoodiiba geliyey sidii loo heli lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo dib-u-dhalata?.

    Maxaa ku dhacay xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii Puntland ku metelayey Dawladda Federaalka ah?

    Maxaase ku dhacay Dawladdii Puntland oo la dhisay 20-sano ka hor si ay u ilaaliso danaha dadka reer Puntland?.

    Waxaa si weyn u muuqata inaan 20-sano kadib Puntland wax saamayn iyo tixgelin midna ku lahayn siyaasadda Federaalka, loona baahan yahay in dib-u-xisaabtan iyo wax is-weydiin ay reer Puntland yeeshaan

    Abdi Dagal Faahiye
    Senior Political Analyst
    Karardagal@gmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.