Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Roobab Mahiigaan ah oo khasaare baaxad leh gaarsiiyay Dubai
    Somalia

    Roobab Mahiigaan ah oo khasaare baaxad leh gaarsiiyay Dubai

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 17, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Imaaraatka Carabta,ayaa Arbacada Maanta ah nadiifinaya buburka ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo uu ku dhintay ugu yaraan hal Qof,islamarkaana waxyeello gaarsiiyey Guryo iyo Goobo Ganacsi.

    Imaaraatka Carabta,ayaa waxaa ka da’ay roobab oo cabirkoodu ahaa 254 mm, sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada ee Qaranka.

    Waxay ahaayeen Roobabkii ugu xoogganaa tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta cabirka biyaha roobka 1949-kii, ka hor inta aan dalka la aas-aasin 1971-kii.

    In kasta oo roobabkii mahiigaanka ahaa ay yareeyeen galabnimadii Talaadada, haddana arbushaadda ay sababeen ayaa sii socotay Arbacada, iyada oo diyaaradda Emirates ay hakisay duulimaadyada madaarka Dubai illaa saqda dhexe ee caawa.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, ayaa sheegay in ay soo wajahday hakad weyn kadib markii roobabkii da’ay ay dib u dhigeen ama ay weeciyeen duulimaadyada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen shaqaalaha duulimaadyada9pl9

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.