Sida ay muujinayso khariiradda saadaasha roobka ee toddobaadkan, guud ahaan ixtimaalka roobabka laga filayo deegaannada Puntland waxay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan.
📍Magaalooyinka ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Goldogob, Garoowe, Taleex, Xudun, Ceerigaabo, Laasqoray, Laascaanood, Ufayn, iyo Baargaal ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya qiyaastii 10–50 mm.
⚠️ Maadaama roobabka la saadaaliyay ay yihiin kuwo xaddidan oo aan si buuxda u dabooli karin baahiyaha biyaha ee deegaanka, waxaan bulshada ku baraarujinaynaa in la muujiyo feejignaan isla markaana la sameeyo qorshayn hore oo ku aaddan isticmaalka biyaha.
🌦️ Waa muhiim in la ogaado in saadaashan roobka ay isbeddeli karto xilli kasta, iyadoo ay ku xiran tahay duruufaha cimilada ee is-rogrogaya. Sidaa darteed, Xarunta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah oo dhow ula socotaa isbeddelada cimilada, gaar ahaan xilligan roobaadka, si aan bulshada ula wadaagno xog sax ah oo waqtigeeda la jaanqaadaysa.
