Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo deyn gaaraysa $20 Bilyan oo dollar u cafiyay Wadamada Africa
    Somalia

    Ruushka oo deyn gaaraysa $20 Bilyan oo dollar u cafiyay Wadamada Africa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shirka ka furmay magaalada Sochi waxa uu ugaga dhawaaqay in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika.

    Deyntan uu ka cafiyay dowlada Ruushku  dalalka qaarada Afrika ayaa la sheegay inay gaarayso illaa $20 bilyan iyadoo deyntaasna ay wadamada qaarada Afrika bixin waayeen muddo sanooyin ah.

    Madaxda qaarada Afrika ee ka qeybgalaya shirka ka furmay maanta magaalada Sochi ayaa soo dhoweeyay tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

    Waxana dowlada Ruushka ay ku macneyasay cafinta deymaha inay tahay mid loogaga caawinayo dalalka Africa sida ay ugaga bixi lahaayeen saboolnimada.

    Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu Ruushku ku leeyahay deymaha lacageed.
    Vladimir Putin wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2016, Russia ay u qoondeysay $ 5 milyan dollar wadamada afrika iyadoo loo sii marinayo Ururka midowga Afrika (AU) iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka ee (WFP).

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.