Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday
    Somalia

    Ruushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ruushka ayaa ka falceliyay markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalka dib ugu soo celiyay shan taliye oo ku sugnaa Turkiga.

    Taliyeyaasha oo Ruushku ku qabtay dagaalkii magaala xebeedka Mariupol ayuu Turkigu dhexdhexaadiyey sii deyntooda, waxayna tan iyo markaas ku sugnaayeen gudaha Turkiga.

    Ruushka ayaa sheegay in heshiisku ahaa in ay taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga tan iyo inta uu dagaalku ka dhamaanayo.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkigu ku xadgudbay heshiiska wuxuuuna yiri, “cidi nama ogeysiin sii deynta,” iyo in sida heshiisku ahaa loo baahnaa in taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga.

    Sidaas ay tahay wuxuu sheegay in Turkiga uu cadaadis saaran yahay oo NATO ay ku hayso, si Turkigu u muujiyo damqasho iyo taageero uu u hayo Ukraine.

    Madaxweyne Zelensky ayaa dhankiisa sheegay in uu dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga isaga iyo shan taliye oo u dhashay dalka Ukraine oo uu Ruushku qabtay kadib go’doomintii Mariupol bishii May ee sanadkii hore.

    Taliyeyaasha oo muddo toddobaadyo ah ku jiray kanaal hoos yimaada warshadda Azovstal ayaa loo wareejiyay Turkiga iyada oo la raacayo maxbuus isdhaafsi oo ay dhexdhexaadisay Ankara bishii Sebtembar.

    Sawir la arkay ayaa muujinaya Mr Zelensky iyo ragga diyaaradda la saarnaa.

    Xaaladda imaatinkooda ma cadda maadaama heshiiskii asalka ahaa uu ku qasbayey inay sii joogaan Turkiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.