Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saameyn intee le’eg ayay u geysteen Roobabkii dayrtu Degmada Eyl ? (Sawirro)
    Somalia

    Saameyn intee le’eg ayay u geysteen Roobabkii dayrtu Degmada Eyl ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo ay kamidyihiin agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimeyaal, injineerada wasaarada iyo xubno kale ayaa booqday degmada Eyl ee gobolka Nugaal halkaas oo ay sahmin iyo qiimayn dhab ah kusoo samaynayeen baaxada saamaynta ay ka dhalatay duufaantii “Pawana”ee dhawaan ku dhufatay qaybo kamid ah xeebaha Puntland.

    Waftigaan ayaa intii ay kormeerka kujireen la kulmay madaxweynihii hore ee Puntland oo hadana ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxamaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, maamulka degmada Eyl iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

    Sidoo kale Waftigu waxya soo booqdeen qaarkamid ah beerihii Degmada Eyl oo ay guud ahaanba Duufaantii Baabi’isay, xarumaha beeraha ee samaynta wayn ay ku yeelatay Duufaanta iyo saamaynta Deegaanka, Dhuldaaqsimeedka iyo guud ahaan Deegaanka ay ku yeelatay Duufaantu, Waftiga ayaa qiimayn kadib sheegay in wasaaraddu ay si degdeg ah ay wax uga qaban doonto guud ahaan arimahaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.