Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Beesha Caalamka oo war kasoo saaray jabka ciidanka Somaliland
    Somalia

    Akhriso: Beesha Caalamka oo war kasoo saaray jabka ciidanka Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 27, 2023Updated:August 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Beesha Caalamka ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay jabka ciidamada maamulka Somaliland lagu gaarsiiyay dagaalkii jimcihii ka bilowday duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo sababay in ciidamada Biixi lagala wareegay ilaa deegaanka Guumeys oo qiyaastii 20-KM u jira magaalada Oog.

    WAR-SAXAAFADEED KASOO BAXAY BEESHA CAALAMKA.

    Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

    Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

    Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.

    *Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.