Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga iyo Sraa’iil oo ay ubadan in ay yeeshaan xiriir Diblomaasi
    Somalia

    Sacuudiga iyo Sraa’iil oo ay ubadan in ay yeeshaan xiriir Diblomaasi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 22, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Qasa, ay hadda aragto horumar wanaagsan.”

    Blinken,ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira ku sheegay in booqashadii uu Sacuudiga ku tegay Arbacadii ay dhashay “wadahadal aad u wanaagsan,” oo uu la yeeshay dhaxal-suge Maxamed bin Salamaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Faisal bin Farhan.

    Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka Gaza iyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, halkaasi oo Blinken uu booqday saddex jeer tan iyo 7-dii October.

    Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka,ayaa sheegay inuusan “waqtiyeyn karin” xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudiga, hase yeeshee wadaxaajoodyada “ay ku dhowaanayaan heer aan gaari doono heshiis.”

    Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo la hadlay AFP, ayaa sheegay in horumar dheeri ah ay ku xiran tahay xal laga gaaro arrimo dhowr ah.

    Blinken ayaa sheegay inay u noqon doonto “fursad taariikhi ah labada dal iyo gobolka oo dhan.”

    Washington ayaa xulufadeeda dalalka Carabta kala hadashay qorshayaal ku xeeran maamulidda Gaza ee dagaalka kadib iyo heshiisyo dheeri ah oo ay xiriir kula yeelanayaan Israel.

    Mareykanka, oo ah dalka taageerada ugu weyn siiya Israel, ayaa muddo isku dayey inuu heshiis xiriir dhex-dhigo Sacuudi Carabiya iyo Israel, taasi oo sidoo kale Mareykanka uu ka damaanad qaadayo amniga Boqortooyada.

    Riyadh ayaa si kastaba heshiis noocaas ah shuruud uga dhigtay aqoonsiga dal madax-banaan oo Falastiin — taasi oo Israel ay diiday.

    Si kastaba, heshiiska ayaa u muuqday mid dhow sanadkii tegay, kahor inta aanu qarxin dagaalka Qasa.

    Dagaalka ayaa waxaa sababay weerar ay Xamaas 7-dii October ku qaadeen Israel oo lagu dilay 1,160 qof oo badankood shacab ahaa.

    Boqortooyada ayaa aad u dhaliileysay ololaha aargudashada militari ee Israel ay ka waddo Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen 32,000 oo qof oo badankood ah haween iyo caruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa.

    Riyadh ayaa sheegtay inaysan xiriir la aas-aasi doonin Israel illaa ay ciidamada Israel ka baxaan Gaza, islamarkaana heshiis laga gaaro abuurista dal Falasiin oo madax-banaan.

    Sacuudi Carabiya weligeed ma aqoonsan Israel, kumana biirin heshiiska Mareykanka uu ka shaqeeyey 2020 ee Abrahms Accord, kaasi oo dalalka Khaliijka ee Bahrain iyo Imaaraadka iyo sidoo kale Morocco ay xiriir kula sameysteen Israel.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.