Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga oo ka hor-yimid Go,aanka Trump ee Buuraleyda Golan Heights
    Somalia

    Sacuudiga oo ka hor-yimid Go,aanka Trump ee Buuraleyda Golan Heights

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    RIYADH (IDIL NEWS)-Dowladda Sacuudiga ayaa ka hor-timid go’aanka madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel.

    Sacuudiga ayaa cambaareeyey tallaabadaas, kuna sheegay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

    “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

    Golan weli waa “dhul Carbeed Syria oo la haysto”, islamarkaana aqoonsiga ah in Israel ay leedahay “waxa uu xadgudub ku yahay xeerka QM iyo qaraarada caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

    “Tani waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doontaa hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria.

    Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.