Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safaaradda Mareykanka oo war kasoo saartay kulankii Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni (Akhriso)
    Somalia

    Safaaradda Mareykanka oo war kasoo saartay kulankii Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan ay sabtidii lasoo dhaafay ku yeesheen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Facebook ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Danjire Donald Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ka wada-hadleen iskaashiga amniga gobolka & horumarka.

    Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Danjire Donald Yamamoto uu ka codsaday Madaxweynaha Puntland soo celinta wada-shaqeyntii Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si looga caawiyo Soomaaliya ka guuleysiga caqabadaha, loona gaaro barwaaqo.

    “Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa mar kale ku celisay baahida loo qabo wada shaqeyn dhow oo dhexmara Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka si #Somalia looga caawiyo ka guuleysiga caqabadaha loona gaaro barwaaqo.” Ayaa lagu yiri Qoraalka lagu baahiyay Barta Facebook ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

    Madaxtooyadda Puntland oo sabtidii War kasoo saartay kulankan ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka si gaar ah uga wada-hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, iyo xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/546561992602825/

    Xog ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegeysa in kulankaas intii uu socday la isla soo qaaday Arrimaha la xariira Sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, Danjire Yamamoto ayaana ka codsaday Madaxweynaha aqbalaada Puntland ee sharcigaas wallow Madaxweynuhu ka biyo diiday.

    Sidoo kale, Ilo-wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in Danjire Donald Yamamoto uu ballan-qaaday in Dowladda Mareykanku kordhinayso taageerada amni ee ay siiso Puntland, iyadoona qalab cusub siin doonta Ciidanka PSF-ta Puntland ee ay taageerto, halka Madaxweynaha Puntland uu ogolaaday in Maraakiibta dagaalka Mareykanka ay kusoo dhawaadan xeebaha Puntland si loo xaqiijiyo amniga Biyaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.