Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka cusub Ee Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyay Puntland
    Somalia

    Safiirka cusub Ee Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyay Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 29, July 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire. Michael Nithavrianakis.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta Safaarada Ingiriiska iyo Dowladda Puntland, Arrimaha Dowlad dhiska Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo sidii Dowladda UK uga qayb qaadan lahayd dhamaystirka hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland ee Doorashooyinka, Safiirka Dowladda Ingiriiska Michael Nithavrianakis ayaa boggaadiyey horumarka ka socda Puntland gaar ahaan talaabada Puntland horay u qaaday ee Dimuqraadiyadda.

    Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DPL iyo La-taliyaha Madaxweyne Arrimaha Dimuqraadiyadda.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.