MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.
Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay goโaankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israaโiil leedahay Buuraha Golan Heights.
Lama oga in goโaanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto goโaankaas.
Akhriso Waraaqda uu Safiirka u diray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

IDIL NEWS
