Garoowe: 08 Feb 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi iyo Madaxa Hay’adda Iskaashiga Talyaaniga (AICS) ee Soomaaliya, Dr. Valeria Buoninfante.

Kulanka ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, Amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu xusay taariikhda dheer ee ka dhaxaysa dawladda Puntland iyo dalka Talyaaniga, sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dhinac, xaaladda abaaraha iyo ugu danbayn sidii looga gudbi lahaa hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalku wajahayo xilligan kala-guurka ah.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Madaxa la socodka Mashaaricda iyo Hawlfulinta Dawladda.
-DHAMMAAD-
- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
