Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo geeryooday.
    Somalia

    Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo geeryooday.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait oo labadii todobaad ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

    Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.

    Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.

    Ambassador Abdi qani Mohammed Waceys oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

    Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.

    Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.

    Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.

    Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.

    Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.

    Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.

    Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.

    Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.

    Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.

    Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka.

    Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

    INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.