Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo geeryooday.
    Somalia

    Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo geeryooday.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait oo labadii todobaad ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

    Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.

    Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.

    Ambassador Abdi qani Mohammed Waceys oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

    Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.

    Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.

    Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.

    Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.

    Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.

    Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.

    Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.

    Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.

    Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.

    Marxuum Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka.

    Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

    INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.