Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sanaag: Maleeshiyaad ku dagaalamaya gurashada Dahab iyo Macdan
    Somalia

    Sanaag: Maleeshiyaad ku dagaalamaya gurashada Dahab iyo Macdan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaalad deganaansho ah ayaa saaka laga dareemayaa Degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag, kaas oo shalay ay ku dagaalameen Maleeshiyaad isku heystay Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta.

    Dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo labad dhinaca ah iyo dhaawaca tiro kale, waxaana wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan inay bilaawdeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay.

    Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Milateriga Somaliland ay gaareen degaanka ay maleeshiyaadka ay ku dagaalmaeen, sidoo kale waxaa gaaray degaankaas Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag, iyaga oo kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay.

    Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay wadaan kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha Dhaqnaka ay kasoo kala jeedaan Maleeshiyaadka dagaalamay si xiisada loo joojiyo. Degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa sidaan oo kale horay ugu dagaalamay maleeshiyaad isku qabsaday dahabka iyo macdanka laga gurto Buuraha deeganaas, waxaana dagaalada ay yihiin kuwo soo lab laabtay

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.