YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag, ayaa sheegaya in la dilay Taliyihii Urur katirsan Ciidanka Somaliland eek u sugan Degmadaas.
Taliyaha la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay G/dhexe Neyjeeri, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Askari katirsan Ciidankiisa.
Askariga dilay Taliyaha ayaa la sheegay in uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo G/dhexe Nayjeeri, Wararka ayaana sheegaya in dilka kaddib askariga uu isku dayay inuu goobta ka baxsado, balse ay toogteen Ciidanka Somaliland.
Wixii Kasoo kordha kala Soco Idil News
IDIL NEWS