Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»“Sanadkan Iran,waxay utahay Sanad xun”Waa erayadii Blinken.
    Somalia

    “Sanadkan Iran,waxay utahay Sanad xun”Waa erayadii Blinken.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    “Sanadkan Iran,waxay utahay Sanad xun”Waa erayadii Blinken oo umuuqday in uu wax gaar ah og yahay.

    Durba,waxaa muuqday qalalaase gudaha Iran ah,waxaana soo wajahay Wadaadii Sadex arimood…

    1.Shacabka oo si weyn ucaraysan.
    2.Jab ku dhacay Sxb-doodii Gobolka.
    3.Awoodeedii oo ay diciifisay Israa’iil.

    Xaalada haatan taagan,waa yaraanta Tamarta oo keentay xiligan oo Qabow daran uu ka jiro Dalkaas in la waayo Tamar,waxaana la xiray Xarumo Gaas,Iskuulo,Xaafiisyo iyo Xarumo kale.

    Shacabka oo awalba kacsanaa,ayaa tanina ugu sii darsoontay,waxaana la yaab noqotay in Iran oo ah Dalka Labaad ee kaydka Gaaska Dabiiciga ah iyo Wadanka Afraad ee Saliida Caalamka oo idil uu u awoodi waayay Shacabkiisa Tamar ay Qabowgan daran isticmaalaan.

    Dhaqaalaha Wadankaas oo ay Jilbaha udhigtay Cunaqabataynta saaran,ayaa hoos usii socda Maalin walba,wuxuuna Riyaalka Iran marayaa heerkii ugu hooseeyay oo ah $1×777,000 RIAL.

    37% Dadka Reer Iran,ayaa ku nool Nolol fakhriya.

    Wadaada Iran,waxay umuuqdaan kuwo aan markan iska caabin karin xaaladaha adag ee soo wajahay,waxaana ugu sii daran Wadaadka haatan hogaamiya oo 85-Jir Xanuunsan ah oo awoodiisu sii diciiftay.

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQO33-dhD3xaPFMCrBi-msRaeyOsmlFp92CDm49USqCBNUUjNsH4A3KrB3HsFpZtK0PMZ2xMTaOZnxdIwMBw5Xil.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.