Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn
    Somalia

    Saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay ay ciidammada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegmada Awdheegle ay duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab. 

    Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fiidnimadii hore ee xalay ay Duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab. 

    Duqeyntaas ayey sheegeen saraakiishu in ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee degmada Awdheegle, kadib markii sida ay  sheegeen saraakiishu ay ka war heleen in dagaalayahano ka tirsan Al-Shabaab ay isku uruursanayaan halkaas.

    Al-Shabaab ayaa la sheegay in xilligaas ay damacsanaayeen in weerar ay qaadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkaas in duqeyntaas ay ku dileen in ka badan 20 dagaalame.

    Sarkaal lagu magacaabi jiray Xasan Abshir Jabriil oo ahaa guddoomiye ku xigeenka qeybta Jabhadda loo yaqaano ee ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ku jiray Shabaab-kii xalay lagu dilay duqeynta ka dhacday duleedka degmada Awdheegle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.