Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilkii la wareegay
    Somalia

    Sawiro:-Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilkii la wareegay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimihii Hore iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Xilka Kula-Kala Wareegey.

    Agaaasimihii hore ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa maanta 2 march 2017 xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada ku waree jiyey gaasimaha cusub Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe.

    24 February 2017 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas waxaa uu digreeto xeer madaxweyne ku soo magcaabay LR.18 agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe.

    Munaasibada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo shaqooyinka lixaad kaleh ee uu hirgeliyey mudadii uu xafiiska joogay.

    Sidioo kale waxa uu tibaaxay shaqooyinka iyo tayaynta waaxaha kala duwan xafiiska in ladardar geliyey mudadii uu xilkaasi hayey, isla markaana dib u habayn lagu sameeyey shaqo qeexida waaxyaha Xafiiska iyo sidoo kale galaynta shaqaalaha oo si racmi ah loo abuuray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee madaxtooyada dawladda Puntland.

    Agaasimihii hore ee madaxtooyada Puntland mudane Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa intaasi ku daray in ay qayb ka ahayd wax qabadkiisii inla abuuro waaxda Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland oo aan hore u jirin iyo sidoo kale waaxyo mihiima oo ladardar geliyey mudadii uu ahaa Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Dhinaca kale Agaasime Deeq ayaa shaagay inay jiraan shaqooyin badan oo dhaqaajin u baahan isla markaana looga baahan yahay agaasimaha cusub inuu dar-dar geliyo, waxaana uu balan qaaday inuu si dhow ula wadidoono is kaashiga iyo xoojinta shaqooyinka la taxaluqa shada xafiiska.

    Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa dhankiisa ku mahadiyey agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane. Deeq Saleebaan Yuusuf shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogey, waxaana uu shaagay inuu halkaasi kasii amba qaadi doono si looga midha dhaliyo hindisaha iyo riyada shacabka Puntland.

    Udanayn bayn, Agaasimaha cusub Cabdinaasir biixi Soofe ayaa ka codsaday masuuliyiinta kala duwan ee madaxtooyada Dawladda Puntland inay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro horumar ku dhisan wada shaqayn.

    –DHAMMAAD—
    XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

      

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.