Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Ka Tirsan Boolis Gobolka Bari Iyo PMPF.
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Ciidamo Ka Tirsan Boolis Gobolka Bari Iyo PMPF.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dabley oo tiradoodu dhammayd 64 askari.

    .Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland meel kastay joogaanba, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in maanta ciidamada lagudoosiinayo abaalmarintani ay yihiin kuwo hawl galo gaara ka fuliyey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isla markaana gacanta ku dhigay iyagoo is garabsanaya fal-denbiyeedyo tiro badan oo ay soo abaabuleen sharwadayaasha Al-shabaab.

    ” Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin”ayuu yiri Madaxweyuhu.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada Puntland markasta u diyaarsan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawgooda, in badan oo kamidda ciidamada qalabka sida ee Puntlandna ay saacaddan lajoogo ku jiraan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalkooda.

    “Ciidamada Puntland nooc kastay doonaan ha noqdeene waxay ku hawlan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawga, in badan oo meeshan aan joogin oo hadda hawl kujira saacaddan aan joogno oo ku hawlan illaalinta iyo difaaca Puntland weeye dhammaantod” ayuu yiri Madaxweynuhu

    “Ciidamadii ugu hawsha badnaa dalka, shaqadooda iyo difaacoodu meesha majoogaan hadda, lakiin in loo fahmo hawshani hawl gaara oo ahayd qorshahaas gaar ka ah ee ciidan kani ku guulaysteen inay fashilaan oo qabtaan in lagu dhiiri geliyo, si ay usii laba jibaaraan shaqadooda iyo hawlkarnimadooda, lagana illaaliyo dhibaatooyinka cadawgu uu u soo maleegayo Puntland” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Ugu danbayn, Madaxeynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu jirey sarkaal u huray naftiisa isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisaba, kuna waayey naftiisa qarax ay argagaxisada Al-shabaab ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu uga tacsiyey eheladi, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay sarkaal kaasi, Allena ‘SWC’ waxa uu u weydiiyey inuu u naxariisto marxuunka, qabrigana u waasiciyo.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.