Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo ka qaybgalay caleema saarkii Madaxweyne Farmaajo
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo ka qaybgalay caleema saarkii Madaxweyne Farmaajo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 February 2017 magaalada Mudisho kaga qayb galay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

    Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey ka qayb galka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee DFS, gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxa uu u hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana uu guulweyn ku tilmaamay caleema saarka taarikhiga ah ee maanta loo sameeyey mid guul u ah Soomaaliya, isla markaana noqday mid baal dahaba ka galay taarikhda Soomaaliya.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shacabka Soomaliyeed meel kastay joogan ku booriyey in lataageero oo lagarab istaago Dawladda Cusub, maadaama ay maanta Soomaliya ku jirto marxalad ka duwan sidii hore.

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa balanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo, waxaana uu illahay uga baryey inuu ku asturo xilka Madaxweyne ee uu ku guulaystay dhowaan.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.