Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo waxgaradka Gobolka Bari oo kulan muhiim ah wada qaatay
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo waxgaradka Gobolka Bari oo kulan muhiim ah wada qaatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta
    05, March 2017 la kulmay qaybaha kala duwan ee odayaasha dhaqanka Gobolka Bari,
    waxaana kulnakaasi ka qayb galay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari, nabadoonada iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Kulankankii maanta uu Madaxweynuhu la qaatay odayaasha ayaa looga wada hadlay xaaladda nabad-gelyada iyo horumarka gobolka, waxaana odayaashu ay si cad u tilmaameen inay Dawladda ku garab taagan yihiin tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka iyo tubta toosan ee loo marayo horumarka gobolka.

    Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo” oo kulankii maanta kalmado kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in sugitaanka ammaanka Gobolka Bari ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isla markaana loo guntado sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku xad gudbaysa nabadgelyada gobolka iyo horumarkiisa.
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiqweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa si cad u tilmaamay in xaqiijinta iyo wanaajinta amniga guud ahaan gobolada Puntland ay kamid tahay masuuliyadaha dastuuriga ah ee ay Dawladdu leedahay, isla markaana ay Dawladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgelyada laguna taabba gelinayo hormarka iyo wada jirka shacabka Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyay  masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qayb galay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga Gobolka iyo sidii si wada jir ah loogu dhaqaaqi lahaa houmarka.

    –DHAMMAAD–

    Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.