Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo waxgaradka Gobolka Sanaag oo kulan wada yeeshay
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo waxgaradka Gobolka Sanaag oo kulan wada yeeshay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 September 2017 magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka gobolada Sanaag iyo Hayland.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliyaha ciidamada qalabka sida Sareeyo Guud. Saciid Maxamed Xirsi, saraakiisha ciidamada gobolada Sanaag iyo Hayland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

    kulanka oo ahaa mid looga hadlayey  xaalada guud ee amniga gobolada sanaag iyo Hayland ayaa waxaa sigaara diirada loogu saaray cidhib tirka kooxaha Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Calmadaw, kooxahaas oo ay lagama maarmaan tahay  in laga yeesho hadaf midaysan.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horayn kulanka furay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay  leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysta buuralayda Calmadaw, islamar’ahaantaana sheegay in dawladdu diyaar u tahay qorshe kasta oo lagaga gungaadhayo  soo afjaridda kooxaha Al-shabaab ee lidka ku ah jiritaanka, horumarka, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shacabka Puntland looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan  wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo firxadka yar ee ku sugan buuralayda Calmadow ee ka tirsan kooxaha Al-shabaab.

    Guddoomiayaha golaha wakiilada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland iyo shacabkeedu ku caana maaleen iskaashi, is garabsi, cudud midaysan, hadaf midaysan iyo isku tashi, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto cadawga tirada yar ee tamarta yar ee kooxaha Al-shabaab loona baahan yahay in si adag loo cidhib tiro.

    Dhinaca kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolada Sanaag iyo Hayland ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, isla markaana waxa ay xukuumadda dawladda Puntland uga mahad celiyeen mashaariicaha horumarineed ee ka socda gobolada Sanaag iyo Hayland, gaar ahaan wadda Ceel-daahir – Ceerigaabo oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo.

    Ugu Danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland meel kastay joogaan inay ka qayb qaataaan halganka lagula jiro cidhibtirka kooxaha al-shabaab iyo sugidda xasiloonidooda iyo amaanka guud ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

    =DHAMMAAD=

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.