Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo maanta daah furay barnaamijka Xisbiyada ee Puntland
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo maanta daah furay barnaamijka Xisbiyada ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 March 2017 si racsi ah u daahfuray furashada Ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada badan ee Dawladda Puntland.

    Xaflada Furitaanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, gudoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin, Isimo, xubno ka socdey beesha caalamka,  iyo martisharaf kale.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xaflada ka jeediyey qudbad taarikhiya ayaa ugu horayn mahad balaadhan u jeediyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo iyagu markasta ku heelan qabsoomida iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo sidoo kale cid kasta oo ka qayb qaadatay heerka uu maanta marayo.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday waxtarka iyo qiimaha ay u leedahay shacabka Puntland dimuquraadiyad lagu saleeyey diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan, taas oo uu sheegay inay u qareemaysa cidkasta oo doonaysa inay ka hadasho wax kasta oo uu ruux muwaadini u arko in ay horumar utahay dalkiisa si dhibyarna uu usoo gudbinkaro, isla markaana ay tahay mid lagaga baxayo habka wax lagu qayb sado iminka.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dimuquraadiyadu tahay mid lagu ilaalinayo xaquuqda bulshada inteeda tamarta yar, isla mar’ahaantaana door ka siinaysa dhiibashada fekerka uu qabo ruux muwaadini isagoo usoo gudbisanaya si xor ah oo ku salaysan xeerarka dimiquraadiyada, kaas oo  salka ku haysa diinteena suuban.

    ” waxaan u baahanahay in dimiquraadiyad noo shaqaynaysa aan samaysano isla markaana ay noqoto mid salka ku haysa diinteena islaamka oo aan ka hor imaanaynin, sidoo kalena ka turjumaysa, dimiquraadiyada Geedkaan rabnaa, dimiquraadiyad Geelaan rabnaa” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxyanaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kusii daray oo ku booriyey shacabka Puntland meel kastay joogaanba inay ka gudbaan, qabiilka iyo qabyaalada iskuna fahmaan, isku doorataan isku racaan arag tida iyo waxa ay wadaagaan, isla’markaana la jaanqaadaan dunida maanta ee casriga ah, waxaana uu madaxweynu sheegay in Puntland ay maanta hormuud u tahay Soomaaliya isla’markaana aanay Soomaliya ka hirgelaynin waxaan Puntland ka hirgelin.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u daahfuray xaflada furashada ururrada siyaasada nidaamka xisbiyada Badan ee Dawladda Puntland, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ladardar geliyo furashada iyo ka qayb ahaanshaha ururrada.

    –DHAMMAAD–

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO Dhaqanka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.