Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Isbitaalka cusub ee National Bosaso
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray Isbitaalka cusub ee National Bosaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2017Updated:February 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa maanta  28 February 2017 xadhiga ka jaray Cisbitaalka ‘’National Hospital’’ oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso.

    Kadib markii Madaxweynuhu Xadhiga ka jaray Cisbitaalka ayaa waxaa uu soo kormeeray qayba uu ka kooban yahay, halkaas oo isbitaalka laga dheehanayey qalab casri ah iyo shaqaale u carbisan takhasus-kooda aqooneed isla markaana waxbadan bulshadooda uga faa’iidayn doona aqoonta ay leeyihiin.

    Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cisbitaalku uu yahay mid wax weyn katari doona baahiyaha bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland maadaama ay joogaan shaqaale aqoon u leh shaqadooda, isagoona Madaxweynuhu  uu tilmaamay in shaqaalaha gacanta ku haya Cisbitaalka ay yihiin dhalinyaro dalka dibadiisa wax kusoo bartay dalkoodana ugu soo laabtay sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen bulshadooda.

    Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku booriyey maamulka Cisbitaalka in la horumariyo lana tayeeyo shaqalihiisa ka hawla gala, isla markaana si hagrasho la’aan ah loogu adeego bulshadda.

    Maamulka degmada Boosaaso, waxgaradka iyo aqoon yahanka ka hadlay munaasibada xadhig jarka Cisbitaalka ayaa dhankooda wax lagu farxo ku tilmaamay hirgelinta isbitaal tayo leh oo ay ka shaqaynayaan dhalinyaro xirfadle isla markaana diyaar u ah inay u adeegaan dalkooda iyo dadkoodaba.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ku booriyey in la garab istaago Cisbitaalka welibana lagu taageero wax kasta oo dawladda dhankeeda ay uga baahdaan maamulka cisbitaalku “National Hospital”

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.