Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas u anba baxay safar uu kusoo saxiixayo heshiisyo caaqibo leh
    Somalia

    Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas u anba baxay safar uu kusoo saxiixayo heshiisyo caaqibo leh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2017Updated:March 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 10 March 2017 safar shaqo ugu ambabaxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabka, Kana duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

    Madaxweynaha Iyo weftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso International Airport ku sii sagootiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarka isaga iyo weftigiisu ay ku aadeen Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Cabrabta uu la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amaanka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalada Dawladda Puntland.

    ‘’waxaan maanta u ambabaxaynaa aniga iyo weftiga aan hogaaminayo safar kooban oo aanu ku tegi doono Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo aanu uga qayb geli doono hawlo la xiriira amniga iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Dawladda Puntland, illahay waxaan ka rajaynayaa inuu nagu soo guuleeyo socdaalkaas waxbadan oo khayr u ah Dawladda Puntland iyo shacabkeedaba aanu ka keeno kana soo faa’iidno’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Ugu danbyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dardaarmay shacabka Dawladda Puntlandd meel kast oo ay joogaanba inay ka shaqeeyaan nabad gelyadda, xasiloonida, karaamada iyo sharafta dalka, isla markaana ay wadda shaqayn dhow la yeeshaan ciidamada ku hawlan ilaalinta iyo sugida amnigooda si horumar iyo kala danbayn waarta dalku u helo.

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/NFcSUxrCxOQ

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/MyZzCc6yYOY

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.