Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Ra’isalwasaare Kahyre oo booqday dhaawacyadii qaraxii Pizza House
    Somalia

    Sawiro:-Ra’isalwasaare Kahyre oo booqday dhaawacyadii qaraxii Pizza House

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho.
     
    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaar siiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.
     
    “Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.
     
    “Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuuc yadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.
     
    Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.