Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre oo kulan la qaatay maamulka Gobolka Banaadir
    Somalia

    Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre oo kulan la qaatay maamulka Gobolka Banaadir

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan Qado Sharafeed ah la qaatay Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xasan Jimcaale , Haween iyo Xildhibaanada Haweenka ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka. Waxana jeedka kulankani ahaa mid looga hadlayay wada shaqayn dhex marta Dawladda iyo Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana looga xaajoonayay sidii wadajir looga qeyb noqon lahaa gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, isagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka. Wuxuuna ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxana ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dadaallada la doonayo in lagu samata-bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen.

    Mudane Kheyre, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii muhiimadda koowaad loo siin lahaa dadka u dhimanaya gaajada iyo biyo la’aanta isla markaana Xukuumadda uu soo dhiso doono ay ka shaqayn doonto u adeeggidda baahiyada gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee had iyo jeer soo noq-noqda.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalkiisa ku aadan in il gaar ah lagu eego xaaladda daran ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka.

    —-DHAMMAAD—-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.