Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawirro:-Nin ku hubeysnaa Tooreey oo Dil iyo dhaawac u geystay Arday
    Somalia

    Sawirro:-Nin ku hubeysnaa Tooreey oo Dil iyo dhaawac u geystay Arday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ardayad dhigan jirtay Dugsiga Hoose ayaa geeriyootay, halka 16 kalena ku dhaawacmeen weerar uu Nin ku hubeysan tooreey uu saakayto ka geystay goob basaska laga raaco oo ku taalla duleedka caasimadda dalka Japan ee Tokyo.

    Idaacadda Qaranka dalkaasi ee NHK waxay ka soo xigatay Boliska inuu weerarkaasi ka dhacay magaalladda Kawasaki ee dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Tokyo.

    16 gabdho Arday ah iyo 2 qof oo qaangaar ah ayaa iyagana lagu dhawaacay, kadib, markii uu Nin ku hubeysnaa dhowr tooreey uu si saf-mar ah u dhaawacay Arday iyo dad kale oo ku sugnaa Bosteejadda iyo kuwo ku dhex jiray Baska.

    Gabdhaha la dhaawacay oo da’doodu u dhexeysay 6 jir ilaa 7 jir waxay ahaayeen Arday sugaysay gaarigii Iskuulka ee ay raaci lahaayeen.

    Dhinaca kale, Warbaahinta NHK waxay sheegtay in Ninka geystay weerarkaasi oo da’diisa lagu qiyaasay 40-aadka ama 50-aadka ayaa isagana isku dilay Tooreeydii uu watay oo uu isaga dooxay Luqunta, sida ay Boliska Japan shaaciyeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.