Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAXIIXA MASHAARIICDA DHISMAHA, DAYACTIRKA IYO HORUMARINTA WADADA ISKU XIRTA GOBOLADA PUNTLAND.
    Somalia

    SAXIIXA MASHAARIICDA DHISMAHA, DAYACTIRKA IYO HORUMARINTA WADADA ISKU XIRTA GOBOLADA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 03 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo -Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

    Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo lasaxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

     

    1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

    – Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.

    – Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco

    2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

    – Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

    3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

    Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.