Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SAXIIXA MASHAARIICDA DHISMAHA, DAYACTIRKA IYO HORUMARINTA WADADA ISKU XIRTA GOBOLADA PUNTLAND.
    Somalia

    SAXIIXA MASHAARIICDA DHISMAHA, DAYACTIRKA IYO HORUMARINTA WADADA ISKU XIRTA GOBOLADA PUNTLAND.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gaalkacyo: 03 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo -Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

    Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo lasaxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

     

    1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

    – Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.

    – Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco

    2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

    – Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

    3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

    Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.