Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Senator Faroole oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka, kana hadlay muranka Waxbarashada (Shir Jaraa’id)
    Somalia

    Senator Faroole oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka, kana hadlay muranka Waxbarashada (Shir Jaraa’id)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 29, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwynihii hore Dowladda Puntland, kana mid ah Senatorada Golaha Aqalka sare ee BJFS Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole),  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay khilaafka Waxbarasho ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Senator Faroole ayaa eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, isagoona sheegay inuu ku xadgudbay Dastuurka iyo shuruucda Dalka.

    Sidoo kale, Senator Faroole ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku howlahan tahay furfurka Waxbarashada Puntland, isagoona tusaale u soo qaatay Agaasimihii hore ee waaxda Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Saahid, kaas oo dhowaan is-casilay, kaddib markii ay Dowladda Federaalka u yeertay, kana dhigtay La-taliye.

    “Maaha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay furfurto waxbarashada Puntland, hadba sarkaal inay qaadato sax maaha, hadda Agaasimihii imtixaanaadka waa la dafay oo la-taliye ayaa laga dhigtay” ayuu yiri Senator C/rixmaan Faroole.

    Ugu dambeyntii, Senator C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu baaqay Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ku dhaqanka Dastuurka KMG ah ee Dalka, isagoona sheegay in Dowladda Puntland ay xaq u leedahay arrimaheeda waxbarasho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.