Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shaqaalaha Dowlada Maraykanka intooda badan oo aan mushahaar helin
    Somalia

    Shaqaalaha Dowlada Maraykanka intooda badan oo aan mushahaar helin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maalintii 22-naad mushaar la`aan ah boqollaal kun oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Mareykanka, tan oo noqoneysa muddadii ugu dheereyd ee ay shaqaalaha dowladda mushaar la`aan noqdaan.


    Dowladdii madaxweyne Bill Clinton, intii u dhaxeysay sanadihii 1995-96, muddo 21 maalmood ayay shaqaalaha dowladda mushaar la`aan ahaayeen.


    Madaxweyne Donald Trump ayaa diiddan inuu ansixiyo qorshaha dhaqaalaha, ilaa lagu daro dhaqaalaha derbiga laga dhisayo xadka Mexico.
    Dimuqraaddiyiinta ayaa diiday codsigiisa ku aaddan $5.7bn (£4.5bn).


    Ku dhowaad saddex meelood meel, shaqaalaha dowladda ayaa shaqada joojiyay, tan oo sababtay in ilaa 800,000 oo shaqaale ah aysan lacagahooda helin.


    Maalintii shalay ahayd, shaqaalahaas – oo ay ku jiraan ilaalada xabsiyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo shaqaalaha Hay`adda Sirdoonka Mareykanka – ayaanan helin mushaarkoodii ugu horreeyay sanadka.


    Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah si uu u helo lacagta uu doonayo. Wuxuu xusay in qorshaha derbiga uu ka mid ahaa waxyaabihii uu ballan qaaday intaan la dooran kahor.


    Maalintii shalay ahayd, qaar ka mid ah shaqaalaha aanan helin mushaarkooda ayaa cabashadooda ku muujiyay baraha bulshada.
    Oscar Murillo, oo ah injineer ayaa jeek $0 ay ku qoran tahay soo dhigay barta Twitter-ka, isagoo sheegay inuusan weli lacag helin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.