Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shaqaale ka socda dowlad gobaleedyada oo tababar uga furmay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Shaqaale ka socda dowlad gobaleedyada oo tababar uga furmay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 15, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Wasaaradda Maaliyaadda ee Garoowe waxaa maanta ka furmay tababar loo qabtay shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

    Daahfurka tababarkan waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame, kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cali Jaamac Gaashaan,Keenadiid Cali Jaamac Agaasime guud kuxigeenka Maamulka iyo masโ€™uuliyiin kale.

    Tababarkan ayaa socon doona muddo labo cisho,waxaana daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ayuu sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’idaysto tababarkan.

    Shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Puntland,Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa tababarkan uga qaybgalay min labo xubnood halka Dawladda Puntland ay sadex xubnood uga qayb galeen.

    Casharro kala duwan ee ay baran doonaan ayaa noqon doono saadaalinta dakhliga iyo Cashuurta loo baahanyahay in ganacsatada laga qaado in loo fahmo si qoto dheer.

    Tababarkan kii ka horeeyay waxa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya iyadoona kan uu noqon doono kii labaad ee lagu qabtay Puntland.

    Tababarkan loo qabtay qaybta Cashuuraha Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa maalgalinaaya Bangiga Adduunka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.