Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sharci cusub oo Kenya ka abuuray Kacdoon Shacab
    Somalia

    Sharci cusub oo Kenya ka abuuray Kacdoon Shacab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya,ayaa qiimo cusub ku soo rogtay kaararka aqoonsiga waddanka, taas oo ay caro badan ka muujiyeen shacabka Kenya.

    Muwaadiniinta Kenya ee da’adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

    Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

    Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

    Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

    Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.