Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sharci ma aheyd Xil ka qaadista Guddoomiye Dhooba-daareed ?+Faallo
    Somalia

    Sharci ma aheyd Xil ka qaadista Guddoomiye Dhooba-daareed ?+Faallo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 7, 2019Updated:November 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Barlmaanka Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa xilkii ka xayuubiyey Gudoomiyahii Barlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-dareed, 49 mudane ayaa u codeeyey xil ka qaadista Gudoomiyaha barlamaanka 4 xildhibaana waa ka aamuseen 53 xubnood ee koramka fadhiday.

    Xildhibaanada ayaa mooshin xilka looga qaaday Mr. Dhooba-daareed u cuskaday eedeymo dhowr ah, kuwaas ay kamid ahaayeen:

    1: In uu xarunta Golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

    2: In uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

    3: In uu awooddii Golaha uga faaโ€™idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hayโ€™adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

    4:In guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

    Hadaba Sharci ma aheyd Xil ka qaadista Guddoomiye Dhoobo ?

    Sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland waxaa Mooshin xil ka qaadis ah laga gudbin karaa Masuul kasta oo haya xil dowladeed oo ay codka kalsoonida ah ay siiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, iyada oo waafaqsan Sharciga iyo Dastuurka Dalka.

    Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiye Dhoobo-daareed oo lagu eedeeyay inay Xukuumaddu dabada ka riixaysay ayaa loo cuskaday qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Jabinta Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Puntland, taas oo sharci ahaan sax ah, sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland.

    Amb. Maxamed Caalim oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed kana faalooda arrimaha Siyaasadda ayaa yiri “Go,aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay u soo jeediyeen, sidoo kalena isugu raaceen Xil ka qaadista Guddoomiye Dhoobo-daareed, waa mid sharci ah oo waafaqsan Dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Puntland”

    Sidoo kale, Amb. Caalim ayaa sheegay in go,aanka Baarlamaanka Puntland ay kalsoonidii ugala laabteen Af-hayeenkoodii uu ahaa fariin ku socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay dabada ka riixaysay Talaabooyinka uu xilkiisii ku waayay Guddoomiye Dhoobo-daareed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.