Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shaakir “Dilka Al-bagdaadi waa Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah”
    Somalia

    Sheekh Shaakir “Dilka Al-bagdaadi waa Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa ka hadlay dilka loo geystay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuubabar Al Baqdaadi oo Sabtidii lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Mareykanka ka fuliyeen  tuulo ku dhow magaaladda Idlib.

    Sheekh Shaakir oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa geerida ninkan ku sheegay iney tahay mid faa’ido u ah dhamaan dadka Muslimiinta ah, isagoo sheegay inuu dhibaato ku hayay dalalka Caalamka.

    “Dhimashada uu dhintay ninkii ahaa Cadawga Islaamka,Cadawga Insaaniyada,Cadawga Bini’aadamka oo la dhihi jiray Abuubakar Al-Baqdaadi, waxa uu ahaa Axad dunida dhibaateeyay, waxaan leenahay gacan waliba haku boxo laakiin waxaa weeye Faa’ido u soo hoyatay dadka Muslimiinta ah, Faa’ido u soo hoyatay Insaanka” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

    Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo sii hadlaya ayaa Abuubabar Al Baqdaadi ku sifeeyay shaqsi aan kala saareynin dadka oo aanu u kala saareynin Muslin iyo Gaal, taasoo uu sheegay iney tahay mida keentay in Caalamka oo dhan si isku mida u soo dhaweeyaan.

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa noqonayaa mas’uulkii u horeeyay ee Soomaaliyeed ee ka hadla geerida Al-Baqdaadii oo dalkan ay ka joogaan Koox aan Kun dagaal yahan gaarsiisneyn oo sheegata iney tahay farac hoostagta dowladda Khilaafada Islaamka (ISIS).

    Ninkan la dilay oo magaciisa dhabta ah lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, ayaa sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad waxaana la rujeysan yahay in xiligii uu Mareykanka ku duulay Ciraaq 2003-dii uu ahaa wadaad mararka qaar hayn jiray furaha Masjid ku dhowaa caasimadda, kaas oo uu ka ahaa Mu’adin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.