Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha: 1200 oo Ruux oo la il-daran Xanuunka dilaaga ah (VIDEO)
    Somalia

    Shiinaha: 1200 oo Ruux oo la il-daran Xanuunka dilaaga ah (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2020Updated:January 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tobonaan milyan oo qof ayaa awoodi waayay sanadkan in ay ka qeybgalaan dabaaldegga sanadka cusub ee Shiinaha, kaddib markii ay dowladdu hakisay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha labo magaalo oo ku yaalla Shiinaha, sababo la xiriira virus dilaa ah oo halkaasi ka dillaacay.

    Guddiga Qaran ee Caafimaadka Shiinaha ayaa sheegay in dhimashada caabuqan cusub ay hadda gaartay 41 qof, halka bukaannada uu soo ritay ay gaarayaan 1200 oo qof, iyadoo cudurku uu isaga tallaabay 29 gobol oo Shiinaha ah.

    Dadka uu cudurkani asiibay ayaa waxaa ku jira 15 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, hal dhaqtar isagu waaba uu u dhintay.

    Meelaha loo dalxiiska tago ee ku yaalla magaalooyinka Beijing, Shanghai, Sanyaiyo iyo Hainan ayaa la xiray.

    Magaalada Hong Kong ayaa mas’uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah iyaga oo joojiyay dabaaldegyada la qorsheeyey in lagu maamuuso sanadka cusub ee Lunar-ka islamarkaana xiray iskuullada.

    Dhanka kalana, virus-kan ayaa si tartiib ah ugu faafaya dunida. Ilaa 5 kiis oo cudurkan ah ayaa laga soo weriyey dalka Thailand. Asutralia ayaa soo werisay ilaa afar kiis halka Faransiiska, Japan, Malaysia, iyo Taiwan ay soo weriyeen ilaa saddex kiis dalkiiba.

    Xigasho: VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.