Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shir lagu sameynayo sharciga korontada Soomaaliya oo ka socda Muqdisho+VIDEO
    Somalia

    Shir lagu sameynayo sharciga korontada Soomaaliya oo ka socda Muqdisho+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Fowsiya Maxamed Sheekh, ayaa Shir guddoomisay shirka qeybinta Qabyo qoraalka koowaad sharciga korontada Dalka oo lagula wadaagay Shirkadaha korontada gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega korontada Dalka.

    Shirkan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay dhamaan shirkadaha korontada ee Gobalada Soomaaliya, waxaana Puntland ku matalayay shirkadahan shirkadaha waa weyn ee korontada, ayna kamid yihiin NECSOM, EENE iyo NEPCO.

    Ex- Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Guure, oo hoggaaminayay Shirkadaha korontada Puntland ee ka qeyb-galay shirkan ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku aadan Habka ay u shaqeeyaan iyo macaamiisha ay daboolaan baahidooda koronto.

    Shirkadaha korontada ee ka howlgalla Puntland, ayaa lagu ammaanay habkooda shaqo, waxaana Masuuliyiintii ka qeyb-galay shirka ay sheegeen in Shirkadaha ka howlgalla Puntland ay nidaam ahaan iyo qalabba uga hor-marsan yihiin kuwa kale ee ka howlgalla Soomaaliya inteeda kale.

    Wasiirka Wasaaradda Tamarta Fowsiya Maxamed Sheekh, ayaa sheegtay in sharcigan oo ay diyaariyeen khuburo iyo qareeno Soomaali ah, ay muhiimad ku siiyeen shirkadaha gaarka loo lee yahay, waxaana ay xustay in Wasaaradda iyo shirkadaha gaarka loo lee yahay ay ka dhexeyso wada-shaqeyn buuxda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.