Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shir loogu qareemayo Degmooyinka Caluula iyo Galdogob oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)
    Somalia

    Shir loogu qareemayo Degmooyinka Caluula iyo Galdogob oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb-galay shirka u qareemidda iyo Ansixinta baahiyaha dagmooyinka Galdogob iyo Caluula, kaas oo muddo hal maalin ah ka socon doona magaalada Garoowe.

    Ujeedada shirkan ayaa salka ku haysa sidii loo xoojin lahaa awoodda maamul ee degmooyinkaasi, loona horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee arrimaha bulshada, kuwaas oo ah qorshaha ugu weyn ee dowladdan, waxaana kulankan goob joog ahaa, Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta, Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka, waxaa kaloo shirkan goob joog ahaa madax ka socotey hay’addaha caalamiga ah iyo aqoonyahano kale.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Shirka furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay shirkan, waxa uu xusay in uu ififaale u yahay horumarka degmooyinkaasi.

    Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa cadeeyey in xilligan waxqabad balaadhan ka socdo degmooyinkaasi, isla markaana dawladdan ay ka go’antahay sidii guud ahaan degmooyinka Puntland loo gaarsiin lahaa mashaariicda horumarineed ee wax ku ool ka ah, gaar ahaan dhulka laamiga ka baxsan.

    Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa masuuliyiinta Wasaaradaha iyo hay’addaha caalamiga ah ku bogaadiyey dedaalka muuqda ee ay ku waajahayaan dhanka horumarka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan dedaalkooda, guud ahaan iyo gaar ahaanba kobcinta kaabayaasha.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.