Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirar looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyey
    Somalia

    Shirar looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka,kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

    Wasiir Beyle ayaa sheegay iney ka qeyb galeen kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

    “ Waxaan si weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii saxda ahayd ee deymaha looga cafin lahaa,taas oo ay kaabayaan dadaalada muuqda ee dib u habeynta dhaqaale.

    “Dadaalada dowladdeena iyo dadkeena oo lagu kabay tan bahwadaagteena caalamka waxay horseedi doontaa xoojinta hey’adaheena maaliyadda, kocbinta dhaqaalaheena iyo isbeddel waara oo dadka iyo dalku ay gaaraan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Beyle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.