Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maanta furmaya
    Somalia

    Shirka dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maanta furmaya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020Updated:January 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa ka furmaya maanta Magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland shirka dib u eegista Waxbarashada Puntland, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.

    Shirkan oo sida qorshuhu yahay uu furayo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada Waxbarashada Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale.

    Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Hanaanka Waxbarasho ee Puntland, waxa ka qabsoomay sanadkii tagay, Caqabaha jira iyo qorshaha sanadka cusub.

    Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo isniintii la kulmay Madaxda qaar kamid  ah Hay’adaha la qeyb-galaya, ayaa sheegay in Hay’adaha kulanka ka qeyb-galaya ay Puntland ka caawin doonaan dhinaca horumarinta waxbarashada Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.