Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland oo furmay (Sawirro+VIDEO)
    Somalia

    Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland oo furmay (Sawirro+VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019Updated:November 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mundane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland.

    Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga dhaxlay.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhinacyada shirka ka qayb galay ku booriyay inay go’aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose, maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.