Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka qorshayaasha Horumarinta 13-ka Degmo ee (2023-2027) oo Garowe ka furmay
    Somalia

    Shirka qorshayaasha Horumarinta 13-ka Degmo ee (2023-2027) oo Garowe ka furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 30, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, July 30, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa daahfurey shirka qorshayaasha Horumarinta 13 Degmo ee (2023-2027).

    Shirkaan oo ku saabsanaa daahfurka qorshaha shanta sano ee Degmooyinka uu ka shaqeeyo Mashruuca horumarinta Degmooyinka Puntland ee UN/JPLG, kuwaas oo dhan 13 Degmo oo kala ah:- Garowe, Gaalkacyo, Bosaaso, Buurtinle, Galdogob, Jariiban, Eyl, Dangorayo, Qardho, Caluula, Iskushuban, Qandala iyo Bayla, ayaa ugu horeyn waxaa faahfaahin kooban ka bixiyey madasha shirkana ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwanaa ee ka soo qaybgalay shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri.

     

    Shirkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa buugta qorshaha 5-ta sano ee 2023-2027 kuwqas oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Kuwaas oo laga soo aruuriyey dhammaan Degmooyinkaas iyo tuulooyinka hoostaga ee guud ahaan 13-ka Degmo ee uu ka shaqeeyo Mashruuca Hormarinta Degmooyinka Puntland ee UNJPLG.

    Wasiirka oo si rasmi ah u Daahfuray Shirka ayaa Guddoomiyaasha Degmooyinka, hay’adaha bahwadagta iyo Wasaaradaha adeeg bixinta ee Dowladda Puntland ku amaanay shaqada baaxadda leh ee laga qabtay diyaarinta qorshayaasha Horumarinta Degmooyinka Puntland guud ahaan, waxa uuna aad u adkeeyey in si guud looga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa isku filnaan heer Degmo ah, madaama aan haysano deegaan dihin oo ku bahaan wax soosaarka loona baahanyahay in la geliyo aqoon iyo dedaal.

    Shirkaan oo socon-doona muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Puntland Mudane Axmed Bashiir Muuse (Cirro), Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk), Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Mudane Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Ibraahim Cawaale, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Adeeg bixinta Dowladda, hay’adaha bahwadaagta la ah Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasumadda, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo marti sharaf kale.

    Guud ahaan masuuliyiintii kala duwanaa ee madasha daahfurka shirka DDF-TA ayaa si isku mid ah ugu bogaadiyey Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo hawl-wadannada Wasaaradda si ay u soo diyaariyeen shirkaan miisaanka weyn ugu fadhiya guud ahaan qorshayaasha Horumarinta ee hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

    Dhammaad.

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025
    Latest Posts

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.