Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubai oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland.
    Somalia

    Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubai oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai.

    Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay Dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah.

    Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa dhanka kale markuu kulanku soo idlaaday kulan la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhammaaday is afgarad.

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in dowladda Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii Puntland ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly Dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.