Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirweynaha FinnSom oo markii ugu horeysay lagu qabtay Garoowe+Sawirro
    Somalia

    Shirweynaha FinnSom oo markii ugu horeysay lagu qabtay Garoowe+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020Updated:January 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom) iyadoo ay ka qeybgalayaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Dowladda Finland.

    Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha & Isbidalka Cimilada ee Puntland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweynayso Shirweynaha maanta ka furmay garowe, isagoo sheegay in jaaliyadda Finland ay lafdhabar u yihiin Caawinta Bulshada Soomaaliyeed.

    Safiirka Dowladda Finland ee Soomaaliya Amb. Erik Lundberg oo ka qeyb-galaya shirweynahan ayaa sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee uu yimaado Garoowe, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa.

    Amb. Erik Lundberg oo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom) oo markii ugu horeysay sanadkaan lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa xusay iney Dowladda Finland garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyntii, Safiirka Finland ee Soomaaliya Erik Lundberg & Masuuliyiinta Kale ayaa Shahaado sharaf kala duwan guddoonsiiyay Xubnihii ugu muhiimsanaa ee Jaaliyadda Finland iyo dadkii soo qaban qaabiyay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom).



    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.