Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garowe ka furmay
    Somalia

    Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garowe ka furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 13 March 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garoowe ka socon doona muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shirweynahan oo uu tilmaamay in wax weyn laga faa’idi doono, xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga , Ka Dowlad ahaana Puntland soo dhoweynayso in la maalgashto Dalka .

    Furitaanka Shirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo iyada soo diyaarisay Kulanka iyo Goleyaasha kale ee Dowladda Puntland, Rugti Ganacsiga , Ganacsato Soomaali iyo Ajaanib ah, Wakiillo ka socda wadamo, Ururo iyo Hay’ado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

    Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar siinaysa kobcinta, dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga waana shirkii labaad ee ku saabsan Maalgashiga oo lagu qabto Puntland. Shirkii kan ka horeeyay waxaa la qabtay 15-kii September 2019.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.