Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sidee Bulshada Daarood u aragtaa hogaaminta Deni?
    Somalia

    Sidee Bulshada Daarood u aragtaa hogaaminta Deni?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 7, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Daarood guud ahaantiis,waxay ugu hirteen in uu yahay hogaamiye macno uleh xilligan muhiimka ah.

    75% Bulshada Beesha Daarood,waxay muujinayaan dareen kusoo hirasho oo hogaamintiisa ah.

    Bulshadu,waxay ka dugsanayaan khataraha ay dareemayaan…

    1.Majeerteenku waxay u arkaan hogaamiye miisaan leh,han leh,Mayal adag oo ay ka muuqato astaamo uu lahaa hogaamiyihii ay isku raacsanayeen hogaamintiisu in ay sarraysay ee Cabdullaahi Yuusuf.

    2.Dhulbahantuhu,waxuu u arkaa hogaamiye ay ka dugsan karaan weerarka SNM.

    3.Marreexaanku,waxay u arkaan hogaamiye xilligan ka badbaadin kara Mijo xaabinta Damjadiid +Daljir ee ku wajahan Gedo.

    4.Leelkase iyo Awrtable,waxay u arkaan hogaamiye adag oo la loolami kara soo laabashada aragtidii USC/SNA ee Daarood nacaybka.

    5.Ogaadeen,waxuu u arkaa hogaamiye xilli adkaa si adag ugarab istaagay welina cid booskiisa buuxisa aysan jirin oo Xamse iyo Axmed aysan uga filnayn khataraha ku gadaaman.

    Deni waa Siyaasi nasiib ku leh Siyaasada oo fursaduhu Albaabka usoo garaacaan..

    1.Siyaasiyan,isagoo liicay,waxaa uhiilliyay hab dhaqanka Xasan la yimid.

    2.Siyaasadii gudaha PL,isagoo ay God uga jirto,waxaa Qarxay dagaalka Sool.

    3.Hogaamintiisa,iyadoo ay Dhulka taal,ayuu ku mintiday dhaqaajinta Dimuqraadiyada.

    4.Ka xarig furashadiisii Aaran-shaydaan,waxay unoqotay fursad weyn oo uu ku helay taageerada Bulshada.

    Isku soo wada duuboo Deni caqabado waa weyn,ayuu ka gudbay kuwana weli waa uharsan yihiin.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.