Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?
    Puntland

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 16, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Badda PL,waxaa ka Kalluumaysta in ka badan 2100 Doonyo iyo Maraakiib shisheeye.

    Ku dhawaad Bishii,waxay la baxaan Kalluun qiimihiisu gaarayo $120-Milyan.

    Dad kooban oo PL udhashay iskuguna jira ganacsato iyo siyaasiyiin,ayaa ka hela Lacag yar oo gaaraysa $1-Milyan.

    Dowlada PL,waxaa uga soo xarooda Canshuur kooban oo Shati ah,taasoo dhan $5000 ugu badnaan Markabkii.

    Maraakiibta iyo Doonyaha ku jira Bada intooda badan,waxay ka kala yimaadeen Wadamada kala ah….

    1. 1500 oo Iraaniyiin ah.
    2. 300 oo Shiinays ah.
    3. 300 oo Yemeniyiin ah.

    Wax badan,ayaa laga qaban karaa xaaladan…..

    B. Dowladu,waxay dajin kartaa qorshe dhab ah oo fulin daba socoto,iyadoo khuburo loo yeeri karo,kadibna la diyaariyo hawlgal ka faa’idaysiga Kalluunka ah,waxaana lagu diyaarin karaa Shir socda Sadex maalmood oo Albaabadu uxiran yihiin.

    T. Waxaa la qaadan karaa habka loo yaqaan (Morocco Model) oo ah 70% wax soo saarka la dhoofinayo in ay yeelato Dowlada PL,halka 30% ay yeelanayso Shirkada soo saaraysa ee soo gadaysa,waana hab looga guuri karo kan Shatiga la canshuurayo ee dayacan.

    J. Waxaa la abuuri karaa Shaqooyin fara badan oo dakhli bulshada usoo xareeya.

    Kalluumaysigu,waa Il Dahabka la mid ah oo PL ay keedahay,taasoo laga abuuri karo Shaqooyin iyo Canshuur,waxayse ubaahan tahay qorshe Qaran oo hogaamin adag la socoto.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.