Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sidee ugu hirgashay in ay gudaha Israa’iil galaan Xoogaga Xamaas?
    Somalia

    Sidee ugu hirgashay in ay gudaha Israa’iil galaan Xoogaga Xamaas?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa soo baxaya xogo laga helayo sida ay ugu hirgashay Xamaas in ay ka gudbaan Xayndaabka Dhererkiisu dhan yahay 65-ta km ee ay ku xiran yihiin Qalab casri ah oo wax ilaaliya,isla markaana heegan sare ay kaga jiraan Ciidamo badan.

    Xogahan,waxay sheegayaan in uu ahaa qorshe Xamaas ufulay oo ay ku khiyaantay Dowlada Israa’iil,taasoo iskugu jirta Siyaasiyan,Milleteriyan iyo Wardoon….

    1.Xamaas,waxay Israa’iil umuujisay dabacsanaan,iyadoo ogolaatay wada hadal iyo mowqifkeeda in ay dabciso,balse dhab kama ahayn ee Siyaasiyan ayay wax khaldaysay.

    2.Xamaas Milleteri ahaan,waxay udiyaar garowday si sare oo waxay diyaarisay 3000 oo Gantaal,Baaldoosaro iyo Ciidan ku hawlgala wax ka yar Hal Daqiiqo,kuwaasoo gudaha Israa’iil ku gaaray Daqiiqado.

    3.Xamaas Wardoon ahaan,waxay la wadaageen Israa’iil xogo amni oo ka digaya in kooxaha kale ee Falastiiniyiintu diyaarinayaan weeraro ay kusoo qaadaan gudaha Israa’iil,iyagoo isku muujinaya in aysan weerar kusoo ahayn Israa’iil,balse been guur,ayay ahaayeen xogahaas.

    Qorshaha Xamaas,waxa uu  muujinayaa in Israa’iil isdhigatay oo aysan taxadar badan ka samaysan dhanka Xamaas.

    Dhanka kale Xamaas,way ku talagaleen jawaabta culus ee ay samaynayso Israa’iil kadib weerarkooda,waxayna ku micneeyeen Naf hurid ay usameeyeen reer Falastiin.

    Balse,waxay muujisay sida masuuliyad darida ah ee aysan Xamaas ukala jeclayn culayska Shacabka Falastiin ku dhacaya.

    11000 oo Qof ay ku jiraan 4000 oo Caruur ah,ayaa ku Naf waayay jawaabta weerarka Xamaas ee gudaha Israa’iil.

     

    Jibril Qoobey.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.