Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sirdoon: Sidee loo fuliyay dilkii Taliyihii Kastamyada Canshuuraha Puntland ee G. Mudug ?+Akhriso
    Somalia

    Sirdoon: Sidee loo fuliyay dilkii Taliyihii Kastamyada Canshuuraha Puntland ee G. Mudug ?+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019Updated:October 22, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib u marti-gelineysa dilal loo geysanayo Haldoorka iyo Masuuliyiinta Dowladda Puntland ee ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay ay ka reysteen Bulshada Reer Puntland ee Gobalka Mudug.

    Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay AUN Xasan Cabdille Hiraabe (Xasan Weyne) oo ahaa Taliyihii Kastamyadda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug, kana mid ah Haldoorka Gobalka.

    Dilka Marxuum Xasan Weyne oo uu fuliyay Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan bistoolad, ayaa ka dhacay gudaha Hotel Al-Raxma ee Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu Marxuumku ku jiray gudashada Salaada Cishaha.

    Hotelka Al-Raxma ee dilku ka dhacay ayaa ah mid Mashquul ah oo lagu caweysame, waxaana uu ku yaalaa dhabarka dambe ee Iskuulka BARDACAD, waxaana Ruuxii fuliyay dilka la sheegay inuu si degan goobta ugu baxay, isagoona aaday dhanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

    Ilo dhanka sirdoonka ah ayaa inoo sheegay in Marxuum Xasan Weyne, uu degnaa Hotelka muddo dheer, isagoona ahaa Ruux si weyn u feejigan, bartilmaameedna u ahaa Argagixisada, maadama uu ahaa Taliyaha Kastamyadda Canshuuraha Gobalka Mudug ee Wasaaadda Maaliyadda Puntland.

    Sirdoonka ayaa sidoo kale inoo sheegay in Ninkii fuliyay dilka Marxuumka uu galay xaafadda Baraxley ee K/Gaalkacyo, halkaas oo ay ku yaalaan saldhigyo laga soo abaabulo dilalka iyo weerarada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo Haldoorka Puntland ee Gobalka Mudug iyo Masuuliyiinta Dowladda.

    Ugu dambeyntii, Ilahan Sirdoonka ayaa muujiyay inay jireen dad ku sugnaa gudaha Hotelka oo la shaqeynayay dhagar-qabaha dilka geystay, waxaana ay tuhun galiyeen in ninka fuliyay dilka uu katirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab.

    Dhanka kale, Dilalkii ka horeeyay kii jimcihii kana dhacay Gobalka Mudug oo loo tirinayay Kooxda Al-Shabaab ayaa ku cadaaday Beesha Sacad ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana subaxdii jimcaha ka dhacay Gaalkacyo Shir u dhexeeya Waxgaradka Beesha Leelkase oo kasoo jeeday Marxuum Xasan weyne iyo Waxgaradka Beesha Sacad, kaas oo looga hadlayay dil madax duubasho ah oo dhawaan ka dhacay Gaalkacyo, kaas oo ugu dambeyntii ku cadaaday Beesha degta K/Gaalkacyo.

    Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa wada qorshayaal ay kor ugu qaadayso ammaanka Gobalka Mudug, waxaana jira hadal heynta ku aadan in Ciidamo cusub ay geynayso Magaalada Gaalkacyo, si ay uga hor-tagto dilal iyo weeraro argagixisadu maleegeyso, kuwaas oo qeybtood ay fashilisay dhowaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.